Guddoomiyihii Shabeellaha Hoose oo xilkii laga qaaday & mid kale oo loo Magacaabay

by admin | Thursday, Mar 3, 2022 | 369 views

Guddoomiyihii Shabeellaha Hoose oo xilkii laga qaaday & mid kale oo loo Magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur, isaga oo Guddoomiye kale Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose markii Saddexaad loogu Magacaabay Ibraahim Aadan Cali Najax oo ahaa Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur ayaa safar ugu maqan dalka Ingiriiska, iyada oo aan sirasmi ah loo faah faahin sababaha xilka looga qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response