Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

by admin | Friday, Mar 31, 2023 | 105 views

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Gaari nooca raaxada ah oo ku dhacay Tog kuyaalla Magaalada Hargeysa ee degaannad Somaliland kadib roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gariga oo ay saarnaayeen Haweeneey, Gabar yar iyo Darawalka Gaariga uu ku dhacay Togga kadib markii Darawalka Gaariga uu dadweyne gobta ku sugnaa ka diiday in uu ka joogo toga ay biyo badan ka buuxaan.

Inta la xaqiijiyay shilkaas ayaa waxaa ku dhimatay oo weli meydkeeda la la’yahay Haweeneey lagu Magacaabi jiray Najax, waxaana laga soo badbaadiyay wadihii Gaariga iyo Gabar yar oo saarneyd Gaariga.

Ciidamo katirsan kuwa dam demiska Somaliland ayaa tegay Goobta, kuwaas oo xalay ilaa saaka baadi goobaya meydka Haweeneeyda Gaariga saarneyd, taas oo dad arkaayay sheegeen in ay biyuhu qaadeen kadib markii ay weeysay cid u soo gurmata.

Todobaadkan ayay aheyd markii Gaari nooxa raaxada ah uu ku dhacay Toga weyn ee Magaalada Hargeysa, kaas oo iyada oo aan wax khasaaro ah ka dhalan ay kasoo saareen Ciidamada dam demiska Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response