Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo xabsiga dhigtay Wariye Xuseen Cabdulle

by admin | Wednesday, Apr 17, 2024 | 24 views

Ciidamo ka amarqaata taliyaha cusub ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sambaloolshe ayaa xabsiga dhigay wariye Xuseen Cabdulle Maxamed oo kamid ahaa wariyeyaasha ka howlgala gudaha Muqdisho sidoo kalana ahaa guddoomiyaha SYL Somali Tv.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in hadda wariye Xuseen Cabdulle uu kuxiranyahay taliska hay’adda Nabad Sugida ee maama qadiijo sida ay inoo xaqiijiyeen ilo katirsan laamaha ammaanka ee dowladda.

Qaar kamid ah saxiibadiisa ay shaqa wadaaga yihiin ayaa inoo xaqiijiyay in ilaa hadda an lacadeyn karin sababta saxda ee looxiray wariye Xuseen Cabdulle.

Sanadkii 2019 ayaa mar laxiray iyadoo ay dowladda markaas jirtay aysan cadeynin sababta looxiraya wariyahan ugu dambeyna waa lasiidaayay.

Wariyaasha iyo warbaahinada ka howlagala magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday ciidanka nabad sugida in ay dib u siiyaan xurriyadiisa wariyaha xiran ayna caddeeyaan dambiga ay u xireen.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkeedii hore ku caan baxday xarriga iyo caga jugleynta warbaahinta, waxaana hadda durba laga cabsi qabaa in ay dib u bilowday cadaadiska ay warbaahinta iyo wariyaasha ku hayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response