Heshiiskii Dhuusamaree 3 ‘oo la baabi’iyey’

by admin | Friday, Aug 28, 2020 | 386 views

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo shalay soo geba-gebeeyey shira ay ku ahaayeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa isku raacay inay shir uga qeyb-galaan magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa caasimada dalka uga qeyb-gali doona shir wada-tashi oo ay sheegen inuu yahay “mid xal siyaasadeed loogu helayo xaalka cakiran ee ka dhashay qabsoomida doorashooyinka dalka.”.

Shirkan ka dhacaya Muqdisho ayaa u muuqda mid wax walba oo horey loogu heshiiyey shirkii Dhuusamareeb 3 meesha ka saaraya, islamarkaana hadda iyo kow la isugu imanayo wada-hadallo cusub.

Inkasta oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay sheegeen inay dabacsanaan badan ka muujiyeen mowqifkoodii adkaa ee ay kaga soo horjeedeen shirkii Dhuusamareeb-3, ayaa haddana waxaa taas burinaya inaysan shirkaas iyo natiijadiisa aqbalin oo ay dalbadeen shir cusub.

Intii ay socdeen kulamadaasi waxay wada-hadal dhanka teleefanka la yeesheen madaxda dowladda federaalka ee hormuudka u yahay Farmaajo iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyagoona isla gartay in xal mideysan laga gaaro xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

“Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale, intii ay socdeen shirarka Garoowe waxay xiriir dhanka telefoonka la yeesheen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, taasi oo ay ka dhalatay in shir wada-tashi ah layskugu yimaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri 

Villa Somalia ma xaqiijin wada-hadalkan taleefon, balse haddii uu jiro, waxay macnaheedu tahay in madaxtooyada dhankeedana aqbashay shirka cusub.

Madax goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle ayaa qoraal ay xalay soo saareen kuna soo dhoweeyey shirka Garoowe iyo baaqa shir cusub, taasi oo macnaheedu yahay inay aqbaleen shirka Muqdisho oo meesha ka saaray shirkii Dhuusamareeb 3.

Shirka Muqdisho ayaa waxa isku hor-fadhiisan doona labada madaxweyne, madax goboleedyada kale iyo Farmaajo oo markii hore isku seegay shirweynihii wada-tashi ee dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, isla markaana is-faham siyaasadeed lagu gaari karo.

Inkasta oo ay suurta-gal tahay in qodobada qaar ee ku jiray heshiiskii Dhuusamareeb 3 dib loo qaato, ayaa haddana dib u furitsa heshiiskaas iyo wada-hadallada cusub waxay ka dhigan yihiin in heshiiskaas aan waxba ka jirin, oo hadda iyo gorgorton cusub uu billaabanayo.

Like it? Share it!

Leave A Response