Hoggaanka Ahlusunna oo shuruud ku xiray dhismaha Galmudug

by admin | Monday, Nov 25, 2019 | 704 views

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa Ganacsato Reer Galmudug oo ka tagtay Muqdisho,iyaga oo kulamo looga hadlayay dhismaha Galmudug la yeeshay hoggaanka Sare ee Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa Ganacsatada waxaa ay u sheegeen in ay ku qanci karaan heshiiskii ay horay ula galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Ahlusunna 35 Xildhibaan laga siiyo Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ganacsatada ay ku guul dareesteen inay Ahlusunna qanciyaan,iyaga oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kuna wargeliyey Madaxda Dowladda kulamadii ay Dhuusamareeb kula soo qaateen hoggaanka Ahlusunna iyo mowqifka Ahlusunna.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ganacsatada waxaa ay u dhiibtay farriin aheyd in 15 Xildhibaan Baarlamaanka Cusub ee Galmudug laga siiyo Ahlusunna,hayeeshee taasi ay diideen hoggaanka Ahlusunna.

Hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in Ganacsatada uu hor-dhigay in dowladda fuliso heshiiskii hore ee lagu siinayay 35 Xildhibaan ama in dowladu howsheeda dhismaha maamulka sii wadato.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay culeys kala kulmeysaa dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay,iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu dhowr jeer booqday deegaannada Galmudug.

 

Like it? Share it!

Leave A Response