Madaxweyne Farmaajo” Shacabka Soomaaliyeed ha u midoobeen la dagaalanka Al-Shabaab” Wararka Madaxweyne Farmaajo” Shacabka Soomaaliyeed ha u midoobeen la dagaalanka Al-Shabaab”

by admin | Monday, Oct 12, 2020 | 373 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ayaa Alle naxariis u weydiiyey dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin.

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya  Alshabaab oo dagaal  kula jira dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya  ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada iyo soocelinta kumanaankii dhallinyarada ahaa ee ku dhibaataysnaa xabsiyada shisheeye, tallaabooyinkaas oo kor u qaaday qabka iyo qarannimada dadka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response