Howlgal laga sameeyay Gobolka Galgaduud

by admin | Sunday, Oct 4, 2020 | 418 views

Ciidamo Boolis ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Howlgallada ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha qaar iyo wadooyinka degmada, iyaga oo baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka nooca raaxada ah  iyo Mootooyinka Bajaajka oo wadooyinka ka dhex-Shaqeeya.

Taliyaha Booliska degmada Guriceel Dhame Cismaan Cali hudeey ayaa sheegay in u jeedka howlgallada ay ahaayeen sidii loo sugi lahaa Amniga degmada, si Bulshada nabad ugu noolaadaan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay muraayadaha Madow ka fiiqayeen Gaadiidka yar yar si looga hortago falal amni darro, sidoo kalena ay jirtay inay horay u mamnuuceen in gudaha Magaalada lagu arko Gaadiidka muraayadaha Madow.

Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolkaas,waxaana tan iyo markii Magaaladaasi lagu wareejiyay maamulka Galmudug ka socday qorshooyin kala duwan, iyada oo lagu xiray leerarka cadceeda ku Shaqeeya.

Like it? Share it!

Leave A Response