Howlgal lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Hiiraan.

by admin | Saturday, Jan 20, 2024 | 61 views

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Fiidoow oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Shabaab oo sadax ka mid ah ahayeen horjoogayaal ka tiraan Ururka Al-shabaab.

Horjoogayaasha howlgalka lagu khaarajiyay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxmaan Dheere oo kooxda u qaabilsana weerarada gaadmada ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Horjoogaha labaad oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mucaad ayaa asna ka tirsana qaybta weerada ay ka kooxdu ka geystaan gobalka Shabeellaha Dhexe, halka  Horjoogaha sadaxaad ee la dilay Cabdirisaaq Muuse Khaliif uu ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka oo ay ugu yeraan Sakawaadka, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu ahaa duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday goob ay isku aruursanayeen kooxda oo ku taala deegaanka Fiidoow oo ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo taageero dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo noocaan oo kale ah ka fuliya inta badan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaa

Like it? Share it!

Leave A Response