Hubki ay Masar ugu deeqday Soomaaliya ‘oo laba hab ugu gacan-geli karo Al-Shabaab’

by admin | Wednesday, Jun 3, 2020 | 449 views

Mid ka mid ah saraakiishii hore ee NISA oo lagu magacaabo, Korneyl Macow Cabdullaahi Cali ayaa sheegay inay suura-gal tahay inuu kooxda Al-Shabaab u gacan-galo hubkii ay dhowaan Masar ugu deeqday Soomaaliya.

Macow  ayaa tilmaamay in labo hab ay Al-Shabaab ku heli karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan aag, kadibna ay ciidamada uga furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuq madow, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hubkan oo ay ku jiraan kuwa culus uu xad-gudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo sidoo kale cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Korneyl Macow C/laahi Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay hubka fud-fudud ee ay heystaan Al-Shabaab, si ay ugula daagalanto, isagoo sheegay in midka culus loogu talagalay difaaca xuduudaha laga soo galo dalka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dalka Marsar ay culeys iyo isla-xisaabtan adag kala kulmi doonto golaha ammaanka ee Qaramada Midoowbay, iyagoona wax ka wey-diin doono hubka aan lala ogeyn ee ay soo gelisay gudaha Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Mareykanka oo mug weyn ku leh golaha ammaanka uu walaac ka muujiyey hubka ay Masar ugu deeqday Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response