Isbeddelka Cimilada: In ka badan 350 digaag oo ku dhintay kulaylka ka socda gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

by admin | Tuesday, Apr 16, 2024 | 20 views

In ka badan 350 digaag ayaa ku dhintay cooshado ku yaalla magaalada Godey ee dhulka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya , ka dib markii uu halkaasi ka dhacay kulayl daran.

Maareeyaha Iskaashatada Digaaga ee Godey Saalaxdiin Cabdalla ayaa sheegay in jawiga gobolka uu isbadal ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana aan horay magaalada loogu arkin dhacdo noocaan oo kale ah. Waxa uu arrintan ku sababeeyay la’aanta hab-raaca cimilada iyo qaboojinta.

Cabdalla wuxuu xusay in 2500 oo digaag ah ay ku nool yihiin meel xaddidan oo hawadu ay xaddidan tahay.

“Labadii sano iyo bar ee lasoo dhaafay ayaanu joognay, balse sidan oo kale horay ulamaannaan kulmin, awoodeena oo kooban awgeed, si deg deg ah ugama jawaabi karno xaaladda taagan, waxaan u baahanahay in dowladda gacan naga siiso, waa in aan helno jawaab degdeg ah,” ayuu raaciyay.

Dr. Ashir Ceydiid oo ku takhasusay cudurada ku dhaca xoolaha ayaa sheegay in isbadalka cimilada uu saameeyay xoolaha iyo dadkaba deegaanka Soomaalida. Wuxuu ku booriyay beeralayda, gaar ahaan kuwa dhaqda digaagga, inay u sameeyaan jawi furan oo hawo leh oo ay ku dhaqdaan digaaga.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in cops-yada ay dhimashadu ka dhacday aysan lahayn habab casri ah oo lagu xakameynayo cimilada iyo qaboojinta. “Hadda waxaan la tacaaleynaa digaag badan oo uu saameeyay kulaylka ka jira magaalada Godey,” ayuu raaciyay.
Deegaanka Soomaalidu waxa uu u qaybsan yahay meelo kala duwan oo hab-nololeedyo kala duwan, waxaana ka mid ah dhul-daaqsimeedka sida Afdheer iyo Fiq iyo beero-xoolo dhaqato iyo dhul-beereed fadhiid ah sida Jijiga. Deegaanadan ayaa waxaa si weyn u saameeyay masiibooyinka deegaanka, kuwaas oo si weyn u saameeyay dhaqaalihii deegaanka ee ku tiirsanaa xoolaha iyo beeraha.

Afartii sano ee la soo dhaafay, gobolka waxaa soo maray taariikh ahaan heerar sare oo cunto yari. Xoolo-dhaqato badan ayaa marqaati ka ahaa in xoolahoodii ay gabaabsi noqdeen biyo yarida iyo daaqa, taasoo keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid dakhliga qoyska, ilaa 35% xoola dhaqatada iyo 25% beeralayda dalagyada.

Like it? Share it!

Leave A Response