Itoobiya oo lagu arkay afar qof oo looga shakiyay inay qabaan caabuqa ka dilaacay Shiinaha

by admin | Tuesday, Jan 28, 2020 | 562 views

Inta la xaqiijiyay Afar qof oo looga shakisan yahay inay qabaan caabuqa Corona ee ka dilaacay Shiinaha ayaa lagu arkay dalka Itoobiya sidda ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta Caafimaadka.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay i n Afarta qof ayaa lagu karantiilay gudaha magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

 

Wasiirka caafimaadka ee dalka Itoobiya, Dr Lia Tadesse iyo saraakiisha kaleba waxay sheegeen in afarta qof ee looga shakisan yahay in qabaan caabuqa ay u dhasheen Itoobiya.

Tan iyo Arbacadii, dhammaan dadka rakaabka ah ee kasoo safray Shiinaha ee soo gaaray Itoobiya, waxaa lagu baarayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in dadkan dhiigooda loo diri doono Koonfur Afrika si baaritaanno loogu soo sameeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response