JABUUTI ‘oo ku socota wadadii BURBURKA’

by admin | Saturday, Jun 6, 2020 | 426 views

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Jabuuti Mudane Cadiraxmaan Maxamed Geelle ayaa ka hadlay xaaladda adag ee dalkaasi, gaar ahaan dibad-baxyada ay dhigayaan dadka shacabka ah ee ka soo cusboonaaday Jabuuti.

Ugu horreyn Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo mar soo noqday duqii magaalada Jabuuti ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen dadweynaha reer Jabuuti, gaar ahaan kuwa dhigaya mudaharaadyada xoogan, isagoo ku amaanay sida ay uga falceliyeen tacadiga loo geystay, Fu’aad Yuusuf Cali oo ah duuliye ka tirsan ciidamada cirka ee wadankaasi.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay sida loola dhaqmay askarigaasi qaran oo uu xusay in si xun loo jir-dilay, kadibna lagu xiray musqul ama suuli.

Hoggaamiye Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay haatan ku socoto wadadii ay ku burburi lahayd, isaga oo hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uusan xilka ka degi doonin illaa uu geeriyooda ama uu dalku burburo, sida uu hadalka u dhigay.

Valueimpression Placeholder

Xaaladda Jabuuti ah mid aad u kacsan, iyadoona saacadihii la soo dhaafay dowladdu ay xabsiga dhigtay xubno kale oo ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad iyo dad kale.

Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad Yuusuf Cali, kadib muuqaal uu iska soo duubay ayaa ku sii fideysa gudaha wadanka Jabuuti, iyada oo ay markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaan-baxyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha.

Like it? Share it!

Leave A Response