Jamaal Cismaan oo sharraxay arrintii ku qabsatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle

by admin | Wednesday, Dec 21, 2022 | 194 views

Axaddii la soo dhaafay Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya waxay huteel ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku xannibtay weriye Jamaal Cismaan oo ka tirsan telefishinka Channel 4 News ee fadhigiisu yahay waddanka Ingiriiska.

Wuxuu sheegay in markii uu ka soo dagay garoonka siddeeddii subaxnimo uu u gudbay huteelka, kadib ay labo nin oo dhalinyaro ka soo dabagaleen huteelka iyaga oo u sheegay inay hubinayeen in uu isaga yahay iyo inkale.

Mar uu BBC-da la hadlayay ayaa Jamaal wuxuu intaas ku daray in labada nin ay u sheegeen in ay ka socdaan Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya (NISA). Kadib dhawr sarkaal oo kale ayaa gudaha u soo galay huteelka iyaga oo fariistay miis yaallay bannaanka qolkiisa, sida uu yiri Jamaal.

“Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay iga hor istaagaan shaqadeyda wariyennimo iyaga oo adeegsanaya hanjabaad iyo cabsi galin” ayuu yiri Jamaal.

Dhowr saacadood kadib ayuu xusay in mid kamid ah taliyeyaasha NISA uu qadka taleefanka kala hadlay, una sheegay in sababta ay u xannibeen ay tahay maaddaama uu bartamihii sanadkaan barnaamij ka soo sameeyay Ururka al-Shabaab, wareysina la yeeshay madaxa Amniyaatka kooxda, Mahad Karatee.

“Sarkaalka NISA ayaa si kooban iigu sheegay: “Haddii aad sameyso sheekooyin aan dhibsanno – waxaad mari doontaan cawaaqibkeeda. Waxa ku qoran warqadaha [sharciga] muhiim ma ahan”.

Wuxuu sheegay in mar dambe ay ku amareen in uu dib ugu noqdo London. Subaxii isniinta ayuu Muqdisho ka raacay duullimaadka Turkish Airlines.

Jamaal ayaa intaa ku daray in uu Muqdisho u yimid si uu u sameeyo barnaamij la xiriira tacaddiyada lagula kaco haweenka.

Like it? Share it!

Leave A Response