Jubbaland oo caddeysay mowfiqkeeda ku aadan heshiiskii Muqdisho

by admin | Friday, Feb 26, 2021 | 425 views

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si weyn u dhaweysay heshiiskii ay xalay wada gaareen midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda xil gaarsiinta ee hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Jubbalan waxay soo jeedisay in saamileyda Siyaasadeed ee dalk ay qeyb ka noqdaan hanaanka dalka looga hirgalinaayo doorasho xor iyo xalaal ah.

War kasoo baxay Jubbaland ayaa sidaan u qorna:

Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dhuruucda dalka.

Jubaland waxaay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.

Like it? Share it!

Leave A Response