Jubbaland oo dib ugu fasaxday Wasiir Shaqada looga joojiyay tuhun musuq maasuq{Akhriso}

by admin | Tuesday, Dec 29, 2020 | 333 views

Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo saarey warqad ay ku caddahay in uu dib shaqadiisa usii wadan karo wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa  Jubbaland.

Markey taarikhdu aheyd 22 -08-2020 ayuu madaxweyne kuxigeenka shaqada ka joojiyay wasiirka wasaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa kadib markii lagu  soo eedeeyay wax Is daba marin iyo lunsasho xoolo dad wayne.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxa lagu sheegay in kadib baaritaan la sameeyay in xafiiska Madaxweynuhu  ogaaday in aysan wax ka jirin eedeeymahaasi isagoo dib shaqadii ugu fasaxey wasiirka.

Wasiirka ayaa loo ogolaaday in uu gudan karo waajibaadkiisii shaqo ee wasaaradda uu hogaamiyo  dibna usii wadan karo  shaqadiisi una sii adeego bulshadiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response