Jubbland oo shaacisay jadwalka soorashada 16 kursi ee Gedo

by admin | Friday, Apr 15, 2022 | 406 views

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16 kursi ee taalla Gobolka Gedo, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Kuraastaan ayaa doorashadooda muddo khilaaf uu ka taagnaa, iyada oo laga soo wareejiyay xarunta degaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaareey, waxaana Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegeen in doorashadooda la kala qabanayo 18 ilaa 27 Bishaan ayna ka dhaceyso degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

16 kursi ee doorashadooda todobaadka soo socda Jubbaland qabaneyso ayaa waxaa ay kala yihiin.

1: HOP#065 oo uu ku fadhiyo  Jibriil Cabdirishiid Xaaji.

2: HOP#078 oo dhowrkii sanobee la soo dhaaday ay ku fadhiso xildhibaan Sacdiya Muuse Cabdullaahi.

3: HOP#087: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamed Cali Xuseen.

4: HOP#090 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Maxamed Aadam Macallim.

5: HOP#091: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Aadam Isaaq Cali Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta.

6: HOP#100 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Cabdulcaziz Cabdullaahi Yuusuf (Dhagaqool).

7: HOP#102 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

8: HOP#110: Kursigaan waxaa ku fadhisa Xildhibaan Sagal Cabdirisaaq Biixi.

9: HOP#116 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdulqaadir Aadan Nuur.

10: HOP#117: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Haashim Nuur Aadan.

11: HOP#119 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo hadda ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

12: HOP#122: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey).

13: HOP#123: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamuud Cali Magan.

14: HOP#125: Kursigaan waxaa ku fadhisa Daleys Xasan Aadan.

15: HOP#131 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim.

16: HOP#216: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Cabdi Cali Xasan.

Like it? Share it!

Leave A Response