Lataliyaha Amniga Qaranka MW JFS: “Wax wadaxaajood ah kulama jirno AS”.

by admin | Sunday, Jan 8, 2023 | 139 views

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa sheegay in aanay is baddelin mowqifka Dowladda Federaalka ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Xuseen, waxa uu sheegay in aysan waan-waan kula jirin ‘AS’, Shakhsiyaadka doonaya in ay kasoo baxaan ayuu tilmaamay “in la marin doono nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee Dowladda”.

Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ oo muddooyinkii dambe dardar xooggan uga socday Gobollada Dalka.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in codsi wadahadal uga yimid ‘AS’, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdifitaax Qaasim ayaa warbaahinta u sheegay 7dii Janaayo 2023 in ‘AS’ codsadeen wadahadal ay la galaan DFS.

“Siyaasaddeena ku aaddan wadahadal lala galo ‘AS’ waxba isma baddelin, wax wada-xaajood ah kulama jirno Kooxda haseyeeshee Shakhsiyaadka doonaya in ay ka baxaan kooxda waxaa la marin doonnaa nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee Dowladda” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha JFS.

Like it? Share it!

Leave A Response