Liiska Dalalka ugu halista badan in loo safro 2021 oo lasoo saaray.

by admin | Saturday, Dec 12, 2020 | 406 views

International SOS oo dabagasha Amniga & Caafimaadka dalalka kala duwan ee Caalamka ayaa soosaartay Warbixinteeda sanadlaha oo ay kusoo bandhigto halista ka imaan karta u safarka waddamada qaar.

Daraasad cusub oo ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in sanadka 19-ka Cishe ka dhimman curashadiisa ee 2021 dalalka qaar in aan loo safri Karin sababo Amni & Khatarta uu la kulmi karo qofkii u socdaala.

Si gaar, Warbixinta ayaa lagu dul istaagay in waqtiga laga soo laabto Fasaxa dhammaadka sanadka ay suuragal tahay in qoysaska qaar in ay u safraan dalalka kala duwan si ay dalxiis ugu sameeyaan xubnaha reerka.

International SOS ayaa sanadkaan kordhisay dalalka aan loo safri Karin sabab la xiriirta faafitaanka Xannuunka Covid-19 & saameynta taban uu ku yeeshay dalalka safka hore kasoo galay liiska waddamada isku tiriyo in ay sareyso aqoontooda, caafimaadkooda & dhaqaalahooda.

Dalalka qaar waxa ay la dhibaatoonayaan Xasaradda ka dhalatay is qab-qabsiga siyaasadeed, tan Bulsho & Ganacsiga oo aan si wanaagsan u shaqeyn laga soo bilaabo Maarso 2020 oo faafitaanka Covid-19 isaga kala gudbay Qaaradaha adduunka.

Liibiya, Suuriya, Ciraaq & Jamhuuriyadda Afrikada dhexe waa meelaha ugu badan ee la saaray Diilinta Cas ee muujineysa in aysan sugneen Xaaladdooda, waana tan keentay in looga digo dadka in ay u safraan 2021.

Bariga Dhexe & Afrika waa meelaha ugu badan aan xasilooneen, waa joogto in dadka lagu wargeliyo in aysan u safreen, maadaama dhibaatooyin kala duwan ay la kulmi karaan in ay ku jigaan socdaalkooda.

Dalalka Xasilooni darrada ka jirta ee aadka looga digay dadka waxaa kamid ah: Afgaanistaan, Liibiya, Ciraaq, Suuriya, Maali, Koofurta Suudaan & Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira dalal kale muuqaalka dhanka Caafimaadka aan wanaagsaneen sababo ka dhashay: Isku dhaca Siyaasadda, Xasilooni darrada, is qab-qabsiga Bulshada dambiyada kala duwan.

Meelaha ugu xun ee Caafimaadka waxaa kamid ah: Liibiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Venezuela, Suuriya, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Yemen.  waxaana si dhab ah u saameeyay xayiraadda cudurka faafa ee Covid-19.

Like it? Share it!

Leave A Response