Maamulka G/Banaadir iyo laamaha Amniga oo kulan ka yeeshay Amniga Muqdisho

by admin | Sunday, Jul 16, 2023 | 174 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ganaraal Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan ku saabsan dardaaran iyo dhiiraglin la qaatay saraakiisha iyo ciidanka Booliska ee  u xil saaran ilaalinta sugida Amniga ee xarunta Aqalka Dowllada Hoose Xamar.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Muqdisho Madaale iyo Taliye Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen ciidanka ay kulanka la qaateen in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Guddoomiyaha Gobolka iyo Taliyaha ayaa ku boggaadiyay ciidanka sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii ay Al-Shabaab 22-January ee sanadkan kusoo qaadeen xarunta Gobolka Banaadir.

Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid wanaagsan, inkastoo jimcihii lasoo dhaafay uu qarax Is-miidaamin ah ka dhacay guri ku yaalla xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday saraakiil iyo Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response