Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyey arrin aad looga faafiyey kulankii 24-ka July ee la qarxiyey{Akhriso}

by admin | Tuesday, Aug 6, 2019 | 601 views

Maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyey warar maalmahan aad loo hadal hayey oo ku saabsanaa xaqiiqda waxyaabihii looga hadlayey kulankii dhacayey 24-ka July ee laga fuliyey qaraxii ay ka dhinteen guddoomiye Yariisow iyo xubno kale.

Wararkan oo aad ugu baahay baraha bulshada ayaa lagu sheegayey in kulankaas uu ahaa kulan ku saabsanaa ama looga hadlayey arrimaha amniga gobolka.

Dadka wararkan faafinayey ayaa badankood su’aalo ka keenay sababta uu kulankaas uga baaqday guddoomiye ku xigeenka gobolka ee arrimaha amniga, Maxamed Cabdullaahi Tuulax, maadaama amniga ay tahay howshiisa.

Waxaa su’aalahan la isu weydiinayey in Tuulax lala xiriiriyo inuu wax ka ogaa qaraxa, sidaas darteedna uu kulanka uga baaqday, hase yeeshee maamulka ayaa war maanta uu saaray ku beeniyey in kulankaas amni uu ku saabsanaa.

Afhayeenka maamulka, Saalax Dheere ayaa qoraal uu soo saaray oo uu raacsanaa jadwalka kulanka ku yiri “Waxaan mar kale caddeynayaa in shirkii 24 july 2019 ka socday xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar in uusan aheyn shir amni, oo uu ahaa Shirka Tubta oo loogu hadlo horumarada, adeegyada iyo qorshayaasha Caasimadda.”

 

Like it? Share it!

Leave A Response