Maamulka Koonfur Galbeed oo ku guuleystay inuu magaalada Diinsoor ka saaro maleeshiyo beeleed.

by admin | Saturday, Apr 20, 2024 | 19 views

Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa socdaal ku tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, si ay uga hadlaan colaad beeleed dhawaan halkaasi ka dhacday. Waxa ay kormeer ku tageen goobo ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed, waxaana ay ku guuleysteen in ay kala dhex galaan kooxihii isku hor fadhiyay.

Xasan Cabduqaadir Maxamed, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, ayaa ku nuux-nuux saday waxyeelada uu dagaalka u leeyahay beelaha, wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in nabad lagu wada noolaado.

Waxa uu ugu baaqay waxgaradka deegaanka in ay xoojiyaan dadaallada nabadeed, isla markaana ay ka hortagaan colaadaha dambe ee ka dhaca degmada Diinsoor iyo deegaanada ku xeeran.

Degmooyin dhowr ah oo hoos taga maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Baraawe, Qoryooley, Wanlaweyn, Diinsoor, iyo Buurhakaba ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay colaad beeleed. Waxaa socda abaabulo lagu doonayo in lagu xaliyo colaadahaas oo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Like it? Share it!

Leave A Response