Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay inay dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

by admin | Monday, Sep 14, 2020 | 358 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la sheegay inay howlgal ka fuliyeen inta u dhaxeeysa degmooyinka Bardaale iyo Awdiinle ee Gobolka Baay, howlgalkaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha Ammaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay toogasho ku dileen Sarkaal caanka ahaa deegaannada Maamulkaas, kaas oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Macallim Cabdi ( Ibraahim Ganey).

Sidoo kale laamaha Ammaanka Koonfur Galbeed waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in howlgalka intii lagu guda jiray in gacanta lagu dhigay hub farabadan iyo gaba kale.

Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa marraka qaar waxaa ay fuliyana howlgallo kala duwan, hayeeshee Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin warkaan kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan inay dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response