Maamulka Magaalada Jowhar oo ku dhawaaqay digniin ku socota Ganacsatada

by admin | Tuesday, Nov 2, 2021 | 248 views

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Jowhar  ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegay iney talaabo adag ka qaadi doonaan dadka leh maqaayadaha iyo Farmashiyeyaasha ee qashinka ku shuba Goobaha danta guud.

Guddoomiyaha Xaafada Kulmis ayaa sheegay in goob kamid ah meelaha danta Guud ee Xaafadda ay dadka leh Maqaayadaha iyo farmashiyeyaasha si ku tala gal ah qashin ugu soo shubaan, wuxuuna Ganacsatada ugu baaqay inay joojiyaan.

Guddoomiye kuxigeenka amniga Magaalada Jowhar  Xasan Barow Bocor ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya qofkii lagu arko, iyada oo qashin ku shubeysa Goobaha Danta guud laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Maamulka degmada Jowhar uu Bulshada u diyaariyay goobo gaar ah oo qashinka lagu shubo, isla markaana aysan ka aqbaleyn in la sameeyo waxyaabo lidi ku ah  bilicda Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Digniintaan kasoo baxday Maamulka Magaalada Jowhar ayaa ka dambeeysay kadib markii Ganacsatada qaar ay Goob qashinka la dhigo ka sameeyeen halka lagu keydiyo Biyaha Shirkadda Farjano, taas oo Maamulku sheegay inay cuduro ka dhalan karaan.

Like it? Share it!

Leave A Response