Madax Carbeed oo booqday Turkiga kadib Dhul gariirkii ka dhacay

by admin | Monday, Feb 13, 2023 | 254 views

Amiirka dalka Qatar,  Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani ayaa noqday Hoggaamiyihii u horeeyey oo Ajnabi ah oo booqasho ku taga dalka Türkiga tan iyo wixii ka dambeeyey Dhul-gariirkii Isniintii hore ka dhacay dalkaasi.

Amiirka dalka Qatar waxa uu Madaxweyne Erdoğan maanta oo Axad ah kula kulmay magaallada Istanbul, iyagoo yeeshay Kulan Khaas oo Albaabada u xirnaa, iyadoo ay  Saxaafadda dibed-joog ka ahayd.

Kulankaasi waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Amiirka Qatar si gaar ah ugu deeqay 14 milyan oo Dollar dadka ay dhibaatadu ka soo gaareen Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Türkiye.

Dowladda Qatar waxay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyey ee Gargaarka soo gaarsiiyey dalka Türkiga, kadib, Dhul-gariirkii ay Kumanaan qof ku dhinteen.

Wasaaradda Dibedda ee dalka Qatar  waxay horey ugu dhawaaqday inay 100,000 oo Guryaha Guurguura ah (mobile homes) u soo diraan dalalka Türkiye iyo Syria oo uu ka dhacay labo Dhul-gariir oo lagu hoobtay.

Wakaallada Wararka Qatar ee QNA waxay horey u baahisay inay dalka Türkiye u soo diri doonaan Koox Gurmad ah, Isbitaal nooca Guurguura, Gargaar Samafal, Teendhooyin iyo Qalabka looga gaashaanto Qabowga Daran.

Dhanka kale, Wafdi Heer Sare ah oo ka socday dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta socdaal hawleed ku tegay dalka Türkiye, gaar ahaan Goballada uu Dhul-gariirkii saameeyey.

Like it? Share it!

Leave A Response