Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

by admin | Sunday, Jan 31, 2021 | 320 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyayay shirka golaha wasiirada oo ka qabsoomay magaalada Jowhar.

Shirka oo ah mid todobaadkii hal maalin la yeesho ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasiirada qoraheynta iyo dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la soo bandhigay guulihii la gaaray iyo waxa u qabsoomay iyo waxa horyaala wasaaradaha.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa ku dhiiri geliyay Wasiirada iney labo jibaaraan howlaha ay u hayaan Bulshada Hir-Shabeelle,isaga oo sidoo kale Wasiirada la wadaagay safarkii uu ku yimid Muqdisho kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

“Waxaan Golaha la wadaagay in dhowaan la bilaabi doono howlgalo ka dhan ah argagixisada dhowaana laga sifeynayo guud ahaan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo in dhowaan la bilaabi doono dhismaha wadada laamiga ee Muqdisho iyo Jowhar ayuu yiri” Cali Guudlawe.

Like it? Share it!

Leave A Response