Carruur ku geeriyootay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen

by admin | Sunday, Jan 31, 2021 | 349 views

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 8 Carruur ah ay geeriyoodeen halka 9 kale ay dhaawacmeen kadib markii uu ku qarxay haraaga hoobiye ay garaacayeen.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay ka dhacay degaanka golweyn oo hoostata degmada Shalaanbood ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen in ku sugan degaankaas.

Jugta qaraxa ay ku waxyeeloobeen Carruurta ayaa siweyn looga maqlay degaanka golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Carruurta qaraxaasi ku dhaawacantay la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaal degaankaas.

Guddomiyaha degaanka Slaanbood Nuur Jiido ayaa sheegay in dhaawacyada xilligaan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka degaanka, isla markaana  dhaawacooda uu yahay mid kala daran.

Qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo ay ku waxyeeloobeen carruur garaacayay haraadiga miinooyin iyo hoobiyeyaal ka haray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response