Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud

by admin | Sunday, Jan 31, 2021 | 322 views

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ayaa ka dhashay dagaal Maanta laba meeslhiyo Beeleed ku dhex-maraya degaanka Xananbuure oo ka tirsan Gobalka Galgaduud .

Dagaalka uu salka ku haayo arrimo dhuleed ayaa waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay ilaa afar qof oo dhinacyada dagaalku u dhexeeyo ah halka tiro kale ay dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka ku dhaawacmay dagaalka la geeyay gaarsiiyay Xarumaha Caafimaadka Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb oo ay kasoo kala jeedaan labada maleeshiyo ee dagaalamay.

Warraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo degaanka Xananbuure, isla markaana aysan jirin dad kala dhex-galay maleeshiyadka dagaalamay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay Ciidamo u kala dhex-dhigtay labada Maleeshiyo Beeleed oo dagaal uu dhex-maray, hayeeshee la sheegay inay Ciidamada kasoo tageen degaanka taas oo keentay in dagaalka uu dib u bilaawdo.

Like it? Share it!

Leave A Response