Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta tagaya Ceelwaaq

by admin | Friday, Apr 22, 2022 | 535 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tagaya Gobolka Gedo gaar ahaan Xarunta deegaan doorashada labaad ee Magaalada Ceelwaaq.

Xubno katirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijiyay tegitaanka Axmed Madoobe ee Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, isaga oo daahfuri doona kuraasta lagu dooranayo degaan doorashada labaad ee Ceelwaaq.

Shalay degmada Ceelwaaq waxaa ka degay laba diyaaradood oo siday Ciidamo, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal.

Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa saaka laga dareemayaa diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweynaha Jubbaland, waxaana safarka ku wehlinaya Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland & Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Xubnaha Sar sare ee Guddiga doorashooyinka ayaa kormeeri doona Goobta loo asteeyay in lagu qabto doorashada 16 kursi ee Magaalda Ceelwaaq.

Like it? Share it!

Leave A Response