Dowladda Somalia & Puntland oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

by admin | Friday, Apr 22, 2022 | 421 views

Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhawacmeen oo uu ku jiro taliye ku-xigenkii qaybta booliska gobalka Mudug ee dhanka Puntland Cabdisiciid Xuseen Jaamac weerar caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada booliska ayaa weerar ku qaday guri ay ku sugnayeen wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse iyo nabaddoono, waxaana sida ay wararku sheegayaan ku dhawacmay weerarka nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa odayaal iyo siyaasiyiin shir ku lahaa halkaasi, waxaana shaqaaqadaas siyaabo kala duwan uga hadlay dowladda Soomaaliya & Maamulka Puntland.

Wasiirka Arrimaha-dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa ku eedeeyey Taliyaha Booliiska gobolka Mudug in uu weerar ku qaaday goob ay ku afurayeen, magaalada Gaalkacayo.

Cabdisaciid oo qoraal ku daabacay Twitter-ka ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo arrimo qoys wuxuuna weerarka ku qeexay isku ‘day dil siyaasadeed’ “waxaana kula xisaabtami doonaa dhamaan tallaanooyinka laga maarmaanka ah” – Ayuu yiri Cabdisaciid Muuse Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia.

Dhinaca kale kusimaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay shaqaadada ka dhacday Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxuuna Eebe Janatul Fardowsa u waydiiyay askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna wuxuu u rajeeyay  in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug.

” Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah ayuu yiri” Axmed Karaash.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu u magacabayo Guddi ka hawlgalla baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas, isla markaana baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Marka laga soo tago Shaqaaqada ka dhacday xalay Magaalada Gaalkacyo xaaladda Magaalada ayaa ah mid caadi ah, iyada oo Bulshada ay siweyn u hadal haayaan weerarka lagu qaaday Guri uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response