Madaxweynaha oo kulamo la qaatay bulshada Marka

by admin | Monday, Oct 15, 2018 | 839 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) ayaa xalay ku hoyday magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii shalay safar uu ku gaaray halkaasi.

Madaxweynaha ayaa xalay kulamo xog wareysi iyo dhiiragelin la qaatay maamulka gobolka gaar ahaan kuwa degmada u qaabilsan iyo odayaasha dhaqanka, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta degmadaasi.

Ujeedka madaxweynaha uu u gaaray magaalada Marko ayaa wuxuu aha dhiiragelinta ciidanka xoogga dalka ee ka tirsan guutada 14-ka October oo Ururka Al Shabaab ka saaray magaalada Marka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa maanta lagu wada inuu booqdo goobo badan oo ka tirsan Marka iyo saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha iyo banqaanka magaalada.

Guddoomiyaha magaalada Marka Xasan Cumar  ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha ay kala hadleen sidii loo soo celin laha bilicdii ay laheyd magaalada.

Like it? Share it!

Leave A Response