Madaxweynaha Puntland oo Amar siiyay Booliska Gobolka Mudug

by admin | Wednesday, May 22, 2019 | 698 views

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo amniga looga hadlayay la qaatay saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Mudug, Nabadoonada iyo Ganacsatada Gobolka gobolkaas.

Kulamadaas ayaa inta badan waxaa looga hadlayay ariimaha amniga,waxaana Madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiintii uu la kulmay ay siwadajir ah uga hadleen sidii loo xaqiijin lahaa amniga deegaanada Maamulka Puntland uu ka maamulo Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ay waajib ku tahay sugida amniga,iyaga oo garab ka helayo waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,isla markaana ka maamul ahaan waxyaabaha looga baahan yahay ay diyaar u yihiin.

Waxa uu saraakiisha Ciidamada iyo waxgaradkii uu la kulmay uu ka dalbaday inay sugida amniga la kaashadaan Maamulka Galmudug oo ay wada maamulaan deegaano ka tirsan Gobolka Mudug

Like it? Share it!

Leave A Response