Madaxweynaha Somaliland oo xilka qaadis iyo Magacaabis sameeyay

by admin | Wednesday, Nov 10, 2021 | 233 views

Madaxweynaha, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo uu xil ka qaadis iyo magacaabid ugu sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada, waxaana wareegtada ay u qorneyd..

Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Somaliland.

UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response