Madaxweyne Farmaajo & Amiirka dala Qatar oo wada hadlay

by admin | Monday, Dec 7, 2020 | 345 views

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula hadlay  Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Labada masuul ayaa kawada hadleen xiriirka labada dal,iyo Xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen mashaariicda ay Dowladda Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Madaxweyne farmaajo ayaa uga maahd celiyay taageerada dhinac walba ah oo ay siiso Soomaaliya, waxaana uu rajeeyay inay noqoto mid sii socota madaama Soomaaliya ay tahay mid kasoo kabaneysa dhibaatoyin farabadan.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani ayaa dhankiisa Carabka ku adkeeyay inay sii laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isla markaana ay xoojin doonaan xirirka labada dal.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladha taageerada siiya Soomaaliya, waxaana la sheegaa inay sigaar ah saaxiib ula tahay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana xiriirkooda uu ahaa mid wanaagsan Saddex Sano & Barkii la soo dhaafay.

Like it? Share it!

Leave A Response