Puntland oo u digtay dadka diidan isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga

by admin | Monday, Dec 7, 2020 | 378 views

Maalmihii la soo dhaafay degaannada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ka taagan sicir barar xoogan, kaas oo sababay inay banaanbaxyo waaweyn Gudaha degaannada Maamulkaas ka dhigaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Maamulada degmooyinka Puntland ayaa waxaa ay ku dadaalayan sidii arrintasi wax looga qaban lahaa, iyada oo Madaxtooyada puntland amartay in aan $1 doolar iyo wixii ka yar la isugu diri karin lacagta danabaysan.

Maamulka gobolka Nugaal oo ka hadlay sicir bararka iyo banaanbaxyada ay dhigayaan dadka ayaa sheegay inay muhiim tahay qaadashada ama isticmaalak lacagta Shillinka Soomaaliga.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Nugaal Qaasim Maxamed Cabdi ayaa sheegay in Ganacsatada loo baahan yahay inay qaataan lacagta Shillinka Soomaaliga, sidoo kale dhamaan maamulada degmooyinka gobolka Nugaal ay Canshuurta ku qaadaan Shillin Soomaali.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii ka hor-timaada Amarka Maamulka, isla markaana diida isticmaalka  lacagta Shillinka Soomaaliga.

Bulshada ku nool degmooyinka iyo degaannada Maamulka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay muujinayeen walaaca ay ka qabaan diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga oo siweyn loo dareemay.

Like it? Share it!

Leave A Response