Madaxweyne Muuse Biixi oo ku wajahan Nairobi

by admin | Saturday, Dec 12, 2020 | 373 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu maalinta berri ah uu booqasho ku taggo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa la kulmi doona dhiggiisa Kenya Mr. Uhurru Kenyatta, sida ay ii xaqiijiyeen ilo-diblomaasiyaddeed oo sare.

Warbaahinta Somaliland ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Muuse Biixi uu Casumaad ka helay dowladda Kenya, islamarkaana inta uu ku sugan Nairobi uu la kulmi doona Madaxda Sare ee dalkaasi.

Horay waxaa u jiray in uu dhowr jeer qorsheeyay in uu booqdo Kenya laakiin aysan suurtagalin Caddaadis Kenya uga yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Booqashada Muuse ayaa imaanaysaa xilli uu taagan khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana labada dal ay ukala yeerteen Safiiradooda.

Like it? Share it!

Leave A Response