Madaxweyne Xasan iyo Xamse Barre oo bilaabay Olole iyo kala fur fur kaddib mooshin laga…

by admin | Monday, Jul 10, 2023 | 220 views

Waxaa maanta baaqday kulankii lagu waday in xildhibaannada golaha shacabka ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaddib cabsi laga dareemay xildhibaannada qaar oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa ku qanciyay guddoomiyaha golaha shacabka in maanta dib u dhigo fadhiga baarlamaanka, waxa ayna ka codsadeen in ilaa Arbacada dib u dhigo fadhiga.

Sida aan wararka ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa bilaabay kala fur furka xildhibaannada ku kacsan xukuumadda , waxa ayna siyaabo kala duwan ula kulmeen qaar kamid ah hor-joogayaasha xildhibaannada.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale u saaray xildhibaannada qaar in ay kala fur furaan kuwa diidan la xisaabtanka xukuumadda iyo sidii meesha looga saari lahaa mooshinka laga yaabo in xildhibaannada diyaariyaan.

Xildhibaannada kasoo hor-jeeda xukuumadda ayaa Sabtidii ku guuleestay fashilinta kulankii golaha ee la xisaabtanka wasiiradda, waxa ayna xildhibaannada diideen in ay hor-yimaadaan wasiirro liis lagu soo qoray oo ay iyagu aysan u yeerin.

Like it? Share it!

Leave A Response