Mareykanka: Abiy Ahmed & TPLF waxa ay Cunaqabateyn uga badbaadi karaan in ay heshiiyaan.

by admin | Wednesday, Sep 22, 2021 | 366 views

Sii hayaha Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Bariga ee Mareykanka Bryan Hunt ayaa Maamulka Abiy Ahmed & Xoogagga Tigray ee TPLF ku wargeliyay in ay heystaan fursaddii ugu dambeysay oo ay uga badbaadi karaan cunaqabateyn lagu soo rogo.

Bryan waxa uu tilmaamay in fursadda keliya ee u bannaan ay tahay in ay heshiis ka gaaraan colaadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Ismaamulka Tigray oo taagan tan & November 2020 kaddib markii muran ka dhashay dib u dhigista doorashada uu sababay gacan qaad.

Dagaalka labada dhinac ayaa sababay dhimasho, dhaawac, Barakac iyo go’doon ay galeen deegaannnada qaar oo xitaa uu gudbi waayay gargaarka Bani aadamnimo, maleeshiyaad katirsan TPLF ayaa boobay keydkii Gargaarka ee Hay’adda WFP.

“Haddii dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ay qaadaan tillaabooyin macno leh si ay u galaan wadahadalada xabbad-joojinta, ayna oggolaadaan howlaha gargaarka bani’aadamnimo oo aan carqalad lahayn, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto abaabulidda kaalmada Itoobiya, si ay uga soo kabato, dib u soo noolayso dhaqaalaheedii” ayuu yiri Bryan.

“Tallaabooyinkaas macnaha leh waxaa ka mid ah in la aqbalo dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika, oggolaanshaha wada-xaajoodka, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin, iyo in la aqbalo martiqaadka wadahadallada bilowga ah” ayuu yiri Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt.

Dagaalka ka dhacay Waqooyiga Itoobiya waxaa maamulka Abiy Ahmed ku gacansiiyay Ciidamada Eretareeya, waxaase jira tuhun kale oo la xiriira in ay ka qaybgaleen dhalinyaro Soomaali ah oo tababar loogu qaaday Eretareeya inkasta oo DFS ay beenisay warkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response