Masar oo dadaal ugu jirta saldhig milatari oo ay hesho Somaliland ama Eritrea iyo Itoobiya oo ka hortagaysa!.{AKHRISO}

by admin | Thursday, Jul 23, 2020 | 441 views

Dowladda Masar ayaa waxay baadigoob iyo galangal xooggan ugu jirtaa sidii ay Saldhig Ciiddanka Badda ugu yeelan lahaayeen Mandiqadda Geeska Afrika, xilli ay xiisad Khatarteeda leh kala dhexeyso Dowladda Ethiopia oo ay isku hayaan Saami-qeybsiga Biyaha Webiga NIIL iyo dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

Majaladda Geopolitical Futures ee Xarunteeda dhexe ku taallo dalka Maraykanka waxa ay dhawaan qortay Warbixin Khaas ah oo ku aadan hamiga Masaarida ee Yegleelida Saldhig Baddeed ay ku yeeshaan goobo ku dhow Xuduudka dalka Ethiopia, sida  Somaliland oo sheegata in ay Soomaaliya ka go’day iyo dalka Eritrea.

Majaladda warbixinteeda waxaa Cinwaan looga dhigay: “Masar oo doonaysa in ay Saldhig Milliteri ku yeelato Soomaaliya ama Eritrea”, inkastoo gudaha Warbixinta lagu muujinayso in Wafdi heer sare oo ka socday Masar ay dhawaan booqdeen magaalladda Hargeysa oo ay kula kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Warbixinta ayaa xustay in Wafdiga Masaarida u sheegeen Madaxweynaha Somaliland Ra’yi ku aadan dhismaha Saldhigag Milliteri ee Masaarida ee Xeebaha Somaliland ee Kaabiga ku haya Gacanka Cadmeed.

Kulankaasi waxay labada dhinac ee Masar iyo Somaliland ku heshiiyeen in Xafiisyo ka shaqeeya Danaha Labada dhinac ka kala furtaan magaallooyinka Hargeysa iyo Qaahira.

Like it? Share it!

Leave A Response