Maxay Al-Shabaab ka tiri codsigii QM ee la xiriiray cudurka Coronavirus?{AKHRISO}

by admin | Saturday, Apr 4, 2020 | 506 views

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inaysan wax jawaab ah ka bixineyn baaqii wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ee ahaa inay xabad-joojin sameeyaan islamarkaana hakiyaan weerarada, si diiradda loo saaro la-dagaalanka cudurka Coronavirus ee Soomaaliya.

Qoraal uu James Swan soo saaray 31-kii March ayuu ku yiri “Halkan Soomaaliya, QM waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dhammaan ficillada rabshadaha iyo argagixisada, si dhammaan kheyraadka iyo taageerada loogu jiheeyo dagaalka ka dhanka ah COVID-19. Tani waa muhiim si caawimaadda lagu bad-baadinayo noloshada loo gaarsiiyo bulshooyinka dalka oo dhan.”

Si kastaba, afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay “inaan la gaarin waqtigii ay ka jawaabi lahaayeen inay aqbalayaan codsiga QM ee ah hakinta weerarada iyo in kale, iyo inay u ogolaanayaan shaqaalaha caafimaadka inay gaaraan goobaha ay maamulaan.”

Inkasta oo Al-Shabaab ay sheegtay inaysan jawaabeyn, haddana khuburada amniga ayaa ku macneeyey tani inay la macno tahay inay sii wadayaan weerarada, ayada oo kadib codsigaasba dhowr weerar ka kala fuliyey Muqdisho iyo Puntland.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey ugu eedeysay ciidamada shisheeyaha ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera “inay kaalin ka qaadanayaan” faafitaanka cudurkan.

“Waxaa bulshada Muslimka ah loogu baaqayaa inay ka digtoonaadaan cudurada faafa ee kusoo badanaya dunida sida Coronavirus iyo HIV-ga, taasoo ay faafinteedu kaalin lixaadleh ka qaadanayaan ciidamada saliibiga ah ee dalka kusoo duulay, iyo dolwadaha gaalada ah ee taageerada siiya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in kiisaska dadka laga helay cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ay kordheen oo ay gaareen 7 qof, halka markii hore ay ka ahaayeen 5.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in laba kiis oo cusub oo ah dad qaba xanuunka Coronavirus laga xaqiijiyey magaalada Muqdisho, taasi oo tirada magaalada ka dhigeysa 5 qof.

Waxaa sidoo kale hore loo xaqiijiyey laba kiis oo deegaanada Somaliland ah, taasi oo tirada guud ee Soomaaliya ka dhigeysa 7 kiis.

Like it? Share it!

Leave A Response