Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Dec 29, 2020 | 329 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomalia ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Saddex xubnood oo ay haweeneey ku jirto, kuwaas oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab. War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud loo xiray  july 19-keedii la shaqeynta Al-Shabaab iyo in ay ahaayeen koox wada degan oo ka shaqeysa Gudbinta iyo Keydinta Agabka Ciidan ee loo adeegsado dilalka gaadmada ah.

 

Deeqo Maxamed Qeyliye ayaa sheegtay in ay Alshabaab kaga biirtay  Shabeellada Hoose 2016, waxa ay Gunno ahaan u qaadan jirtay $150 bishiiba sida lagu sheegay Warka Maxkamadda Ciidamada. Bishii Ramadan ayay qaban jirtay howlaha ugu badan ee keydinta Hubka sida Bistooladaha, Bambooyinka Gacanta laga tuuro F1, Qaraxyada lagu xiro Gawaarida, kuwa lagu Aaso waddooyinka iyo Alaabta laga farsameeyo Qaraxyada. Sidoo kale Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud si lamid ah labadan eedeysane ay Al-Shabaab kaga biiray Shabeellada Hoose 2016, Muddo la barayay Fasirka Qaldan ee Diinta ugu dambeyn waxaa lagu qanciyay in ay Bartaan farsameynta Qaraxyada. Deeqo ayaa lagu soo xiray labadaba waxa ayna hoy ka siisay gurigii loo qorsheeyay ee u joogtay sidii Hooyanimo aan la Ogeen dhagarsi howlaha ay doonayaan ay u fushadaan. Labada Eedeysane oo ku dhaawacmay Qarax uu aasayay Nin kale oo iyaga la socday July 2020 degmada Yaaqshiid gaar ahaan SOS ayay Ciidama Amniga ku soo qabteen, waxa ayna sahashay Farsamada kale ee dhalisay in la soo Gacan geliyo Deeqo Maxamed oo u aheyd Sarkaalad  u sameysan Hooyanimo & Oori. November Sanadkan ayaa lagu wareejiyay sedaxda eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna baaritaan dheer kadib Codsadeen Muddeynta Maxkamadeed Bartimihii bishii 11-aad ee Sanadkan.   28-kii November ayay bilaabatay Maxkamadeynta  Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeyn ahaan Maxkamadda u hor keenay Agab isugu jiro Hub iyo Qaraxya oo lagu soo wada qabtay eedeysanayaasha oo iyaga aasayay Qarax uu mid kamid ah  kaga dhintay Mid kalane kaga dhaawacmay, waxaa sidoo kale la dhageystay Qiraallada Dambiyadii ay galeen. Qareenada u doodayay Eedeysanayaasha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Maadaama an la cadeyn Dambi ka dhashay Dil iyo Dhaawac toonna. Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sedaxdan shaqsi, waxaana lagu kala xukumay Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye 15-sano Xabsi Ciidan ah , Cabdikariim Maxamuud Cusmaan 3-sano Cabsi Ciidan ah iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud 20-sano oo xarig ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalbka Sida.

Like it? Share it!

Leave A Response