Maxkamadda CQS qeybta 27aad oo maanta u fadhiisatay dacwadda rag lagu eedeeyey in ay dhac ka geysteen degmada Cadale

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 171 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee ku sugan degamada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad eedeysaneyaal looheysto dhaca dad musaafur ah.

Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa ka soo hormuuqday illaa shan ruux oo loo lagu eedeeyey in ay dhac u geysteen dadka musaafur ah, kuwaas oo u socday Magaalada Gaalgacyo ee gobolka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan ayaa fadhiga maxkamadda ka hor akhriyey eedaaha loo heysto xubnahaan, kuwaan oo mid ka mid ah maqano yahay.

Taliyaha Saldhiga Booliska Gobolka Shabeelaha dhexe oo ka hadlay fadhiga Maxkamadda ayaa sharaxaad ka bixiyey baarista uu Booliska ku sameeyey shantaan ruux uu midkooda maqane yahay, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay dhac ka gesteen deegaano hoos yimaada degmada Cadale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan oo ka hadlay xiritaanka fadhiga ayaa sheegay in Maxkamadda ay go’aano ka soo saari doonta dacwadda loo heysto xubnahaan.

Like it? Share it!

Leave A Response