Shacabka dal ka tirsan qaarada Yurub oo ka qeylinaya dhiqle meel walba yaacaya

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 108 views

Dhiqle ama Kutaan aad u fara badan ayaa ka kacay magaalada Paris iyo magaalooyinka kale ee Faransiiska, kaasoo dad badan cabsi ku beeray, dhaliyeyna su’aalo la xiriira caafimaadka iyo bedqabka inta lagu guda jiro cayaaraha olombikada ee sannadka dambe.

Arrintan ayaa si weyn waxaa u hadal hayey saxaafadda Faransiiska iyo tan caalamka. Qayb ahaan waa dhab, qayb ahaanna dhab ma aha.

Dadka arkaya Dhiqlaha ayaa sii batay todobaadyadii la soo dhaafay, sare u kacaas oo sanooyin dhawr ah soo jiray.

“Sanad kasta marka la gaaro dabayaaqada xagaaga waxaan aragnaa in Dhiqluhu uu soo bato” ayuu yiri Jean-Michel Berenger oo ah khabiir bartay cilmiga cayayaanka, kana hawl gala isbitaalka ugu weyn magaalada Marseille.

“Waxaa ugu wacan ayadoo dadku ay aad u socdaalaan bilaha Luulyo iyo Agoosto, wuxuuna soo raacaa shandadahooda. Sannad kasta, tirada xilliyadaas kacda way ka sii badataa tii sannadkii ka horreeyey” ayuu sii raaciyey.

Magaalada Paris kaliya, waxaa jira dad ay muddo dheer ku beeran tahay cabsi ay ka qabaan cayayaanka (mid ka mid ah tobankii qof ee uu Dhiqle dhibay shanti sano ee u dambaysay sida ay dhigayso tirada rasmiga ah) ayaa lagu daray ilaha cusub ee xogta cabsidan.

Wararka sheegaya in cayayaankan oo af-Faransiiska lagu yiraahdo Les Punaises lagu arkay Shaneemooyinka ayaan la xaqiijin, laakin si dhab ah ayaa arrintaas loo qaatay. Sidoo kale waxaa jira dad ka sheeganaya inuu tareenka ku dhex qaniinay.

Iminkana xarunta dawladda hoose ee Paris iyo xukuumadda madaxweyne Emmanuel Macron waxay ku baaqayaan in tallaabo ficil ah la qaado. Waa talaabo ku xirnaanaysa sida ay arrintan u adag tahay, iyo sida ay u doonayaan inay u ilaaliyaan muuqaalka Paris, ka hor cayaaraha dhici doona 2024, ee ah in aysan ku gacan sayri doonin cabsiga Dhiqlaha oo aysan u arki doonin wax baraha bulshada lagu dhex abuuray, waayo tani waa qayb kale oo sheekada ka mid ah.

Sheekooyin cabsi leh ayaa internetka si xawli leh u dhex wareegaya. Dadka Shineemooyinka leh waxay billaabeen inay ka welwelaan tirada dadkii imaan jiray oo yaraatay, waxaana sii huriyey fiidiyowyo baraha bulshada dhex wareegaya oo la xiriira dhiqleyaal kuraas ku dul socda.

Dadka raaca tareenka dhulka hoos mara ayaa iyagana bilaabay inay iska eegaan kuraasta. Qaarkood waxayba door bidaan inay istaagaan.

“Arrin cusub ayaa sannadkan soo kordhay waana buufis guud oo dadka niyadda ka galay” ayuu yiri Berenger. “Si marka loo eego way wanaagsan tahay, waayo waa arrin dadka ku baraarujinaysa dhibaatada, waxaana wanaagsan in degdeg wax looga qabto. Laakin in badan oo dhibaatadaas ah waa mid la buunbuuniyey” ayuu sii raaciyey.

Dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin siku furmidda dunida (globalisation), baayacmushtarka konteenarrada, iyo dalxiiska iyo tahriibka ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee wax laga saarayo, waxaase meesha laga saari karaa isbeddelka cimilada. Waa cayayaan aada halkii uu dadku aado.

Like it? Share it!

Leave A Response