Maxkamadda G/Banaadir oo loo gudbiyay Shirkad Ajnabi ah oo lagu helay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

by admin | Monday, May 15, 2023 | 194 views

afiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiska xeer llaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaris ku sameeyay shirkadda AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya marka ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

“Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay si waafaqsan qodobka 71aad ee XHCS eed lid ku ah shirkadda AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya oo shirkad ajnabi ah kuna eedaysan denbiyada kala ah lacag dhaqista, la baxshasho canshuur iyo ku xadgudubka Xeerka shirkadaha ee Dalka. Xafiisku waxa uu Maxkmadda ka codsaday in la soo muddeeyo dhagaysiga dacwadooda, si loo gudda galo Maxkamadaynta ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Sidoo kale Xafiiska ayaa waxa uu bogaadiyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ula soo wadaaga Xafiiska warbixinadda denbiyada, isaga oo uga digay dhamaan shirkadddaha ajaanibta ah ee Dalka ka howl galaya ee aan u hoggaansamin Xeerarka Dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response