Meydadka Saraakiishii lagu laayay Galgaduud oo la Aasay

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 404 views

Alle ha u Naxariistee waxaa degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud Saaka lagu Aasay meydadka saraakiishii maleeshiyaadka hubeysan ay shalay galab ku dileen duleedka degmadaasi Ballanbale.

Saraakiisha weerarkaas lagu dilay ee maanta la Aasay ayaa waxaa Magacyadooda ay kala yihiin, Gaashaanle Cabdi Guune Guune, Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf, Gaashaanle Gaangul Xalane,  Kabtan Saciid Xasan Faleey,  Kabtam Shariif Cirro Maxamed,  Laba-Xidigle Faarax Jaamac Colaad.

Saraakiisha la dilay ayaa dhawaan tababar macalinimo oo ay ku qaateen Xerada Tababarka ciidamada ee degmada Guriceel ku dhameystay, iyaga oo doonayay xilliga la weeraray inay booqdaan ehelladooda oo ku sugan degmada Balanballe.

Majiriin Madax sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo ka qeyb-galay Aaska Saraaskiisha marka laga reebo Saraakiil ka tirsan qeybta 21aad ee goobjoog ka ahaa.

Galmudug ayaa sheegtay in howlgal ay siwadajir ah uga sameeyeen wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel & Balanballe Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug lagu qabtay mid kamid ah maleeshiyaadkii dilka geystay oo watay qoray AK47 ah.

Like it? Share it!

Leave A Response