Mid ka mid ah golaha Musharaxiinta oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka

by admin | Saturday, Dec 12, 2020 | 378 views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladda Federaalha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka, sida uu ku sheegay baraha bulshada.

“Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika”Kheyre ayaa bartiisa Facebook-gga kusoo qoray:

Waxaa uu intaasi kusii daray” Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo”

Xasan Cali Kheyer ayaa ayaa bishii July laga qaaday xilkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, oo uu soo hayay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Hadda wuxuu ka mid yahay musharraxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan xilka madaxweynaha, marka la gaaro doorashada xigta.

Like it? Share it!

Leave A Response