Midowga Musharixiinta oo sheegay in farmaajo yahay dambiile Qaran {AKHRISO}

by admin | Saturday, Feb 20, 2021 | 328 views

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay inay joogteyn doonaan bannaan baxyada, si ay shacabka u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalka aysan ka abuurmin diktaatooriyad.
Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dagaallkii ka dhacay Muqdisho iyo weerarkii lagu qaaday Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegeen in uu rasaaseeyay dad si nabad ah u banaanbaxayay.

“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay horay u aaminsanaayeen haddana u cadaatay in Madaxweyne hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay, waxay maaweelayaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in awoodda dalka xoog ku heysan karo sharci darrana ku sii joogi karo ayaa lagu yiri” Qoraalka Musharixiinta.
Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay sheegeen inay horay u aaminsanaayeen haddana u cadaatay in Madaxweyne hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay.
Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u arkaan in uu yahay dambiile Qaran uusan sinabada qeyb uga noqon karin xal u helida siyaasada dalka kala-guurka ah, loona diido in uu ka qeyb-galo doorashada sida uu qabo Dastuurka Kumeel gaarka ah.
Dhinaca kale waxaa maanta degan xaalada Guud ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo shalay kujiray xaalado dagaal iyo dibadbaxyo rabshado watay, waxaana dhamaan furan waodoyinka magaalada, iyada oo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay si caadi ah u socdaaan.

Like it? Share it!

Leave A Response