Milateriga Israa’iil oo dad Falastiiniyin ah ku dilay Magalada Naples{sawiro}

by admin | Friday, Jul 7, 2023 | 135 views

Ciidamada Israa’iil ayaa magaalada Nablus ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin ku dilay labo nin oo ay sheegeen in ay baadi-goobayeen.

War ay soo saareen ciidamada Israa’iil ayaa lagu sheegay in labada nin ay horay u dileen askari ka tirsan ciidamada Booliska Israa’iil.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ayaa iyaduna sheegtay in ciidamada Israa’ii ay weerar ku soo qaadeen magaalada Nablus, ayna ku beegsadeen guryo ay ku nool-yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan, ayna ku dilleen labo nin oo Falastiiniyiin ah.

Weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Nablus ayaa waxaa ka horreeyay weeraro isku xigay oo ay todobaadkaan ka fulliyeen magaalooyinka Gaza iyo Jenin ee dhulka Falastiin.

Tirada guud ee Falastiiniyiinta lagu dilay weerarada ciidamada Israa’iiliyiinta ee todobaadkaan ayaa gaareysa 14 qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 100 qof. Waxaana weeraradaan wallaac ka muujiyay Qaramada Midoobay iyo Madaxda qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response