Muxuu dastuurka ka qabaa xilalka ay Fiqi iyo Saabir ka qabteen Galmudug (Ma weyn doonaan xildhibaannimada?){AKHRISO}

by admin | Friday, Apr 24, 2020 | 498 views

Liiska Golaha Wasiirada Galmudug ee uu xalay magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa waxaa kasoo muuqday xildhibaano caan ah, islamarkaana miisaan culus oo ka tirsan golaha shacabka federaalka.

Xildhibaanadaas ayaa waxaa ka mid ah; Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka Amniga Galmudug, iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug.

Arrintan ayaa lama filaan iyo yaab ku noqotay dad badan, oo is-weydiiyey haddii ay sidan ku luminayaan xubunnimadooda baarlamanka federaalka, ama ay ayaga goosteen inay ka tagaan.

Dastuurka federaalka ayaa muujineysa in labada xildhibaanba aysan kala caddeyn inay xilkooda federaalka wayn doonaan iyo in kale, ayada oo sababtuna ay tahay in dastuurka uusan si cad u qeexin arrintan.

Qodobka 59-aad ee dastuurka ayaa qeexaya lix sabab oo Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka, oo dhigan sidan:-

(1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
(a) Xubinta oo Geeriyoota
(b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.
(c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
(d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
(e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
(f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga

Haddaba sida ka muuqata qodobada kore, qodobka ugu dhow ee ay ku weyn karaan xubinnimada golaha shacabka ayaa ah kan (e), kaasi oo dhigaya haddii xubintu aqbasho xil dawladeed aan wasiir ka ahayn.

Si kastaba, dastuurka ma kala caddeyn in wasiirnimadu tahay mdi federal ama mid heer gobol. Inkasta oo loo fahmi karo in loola jeedo mid heer federal, haddana sharciga laguma dabaqi karo fahamka qof ka qaadan karo, haddii aanu caddeyn.

Sidaas darteed, waa adkaan doontaa in Fiqi iyo Saabir ay waayaan xubinnimada baarlamanka maadaama xilkan uu yahay mid wasir, mana cadda cidda arrintan kala caddeyn doonta ama halka loo mari doono.

Like it? Share it!

Leave A Response