MW Deni, muxuu ku diiday labada qodob uu sheegay in uusan saxiixin inta uu socday Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

by admin | Monday, Jan 9, 2023 | 234 views

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay ‘Bandhigga waxqabadka Xukuumaddiisa 2019-2022 & Daah-furka qorshihiisa 2023” ayaa dul istaagay qodobo ku diiday Shirka Golaha Wadatashiga qaranka ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, Doorashada & xaaladda kale ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Labo qodob ayuu sheegay in aanay DG Puntland saxiixin kuwaas oo kala ah:

1-Habka Garsoorka uu noqonayo oo ah garsoor madax bannaan balse waxa uu sheegay in meesha la keenay hab ka duwan oo sababay in uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni saxiixo.

2-Habka Maamulka Dowladeed ee heer federal & heer Dowlad Goboleed loo qaybinayo oo uu sheegay in uu u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka & Doonista caqliga waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in markii uu arkay qodobadaas ay ula muuqatay in nidaamka Dowladda Dhexe dib loogu celinayo awoodda iyada oo meesha laga saarayo federaalka lagu heshiiyay.

Deni ayaa tilmaamay in mowqifka DG Puntland ee la xiriira Dowladda Federaalka in maanta oo ah 9ka Janaayo 2023 uu soo bixi doonno, waxa uu ku faanay in Puntland ay gundhig u tahay midnimada & xoojinta Dowladnimada Soomaaliya.

“2 qodob ee DG Puntland aysan wax ka saxiixin ogolaanna, labada qodob ee aan diidnay waxaa weeye 1-Habka Garsoorkeenna uu noqonayo oo ah garsoor madaxbannaan sida aan rabno ku qotoma dastuurka & shuruucda aan leenahay waxaa meesha la keenay wax taa ka duwan oo aan suuragal ahayn in ay Puntland aqbasho koley intii garashadeydu markaas ahayd” MW Deni.

“Qodobka kale waxa uu ahaa habka maamulka Dowladeed ee heer federal & State (Dowlad-Goboleed) loo qaybinayo oo isaga oo dhan u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka ee hadda aan heysano & Doonista iyo caqliga federaaleenta Dalka uu diyaarka u ahaa, waxaa meesha kasoo baxday qorshe u eg in markale dib loogu celinayo Central (Dowlad-Dhexe), waxa aan soosaari doonnaa mowqifka Dowladdaan aan ku sameyneyay muddada aan joogno si aan ula jaanqaadno” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.

Illaa hadda ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka & Madaxda kale ee Dowlad-Goboleedyada ee ka qaybgalay shirka Golaha Wadatashiga qaranka oo ay uga hadlayaan labada qodob uu sheegay Siciid Deni in uusan saxiixin.

Like it? Share it!

Leave A Response