Puntland oo sheegtay in Kiisaska Karoonaha ee degaanadeeda ay sare u kaceen

by admin | Friday, Apr 9, 2021 | 323 views

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in guud ahaan soomaliya gaar ahaan Puntland uu kordhay xanuunka Covid19, waliba dhimashadu ay korortay ilaa bilawgii sanadkan 2021 gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu badan uu ka jiro.

Wasiirka ayaa shacabka faray inay soo celiyaan kordhiyaana taxadarka iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo sida Afxirka,kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, sidoo kalena qofkasta oo iska shakiya uu tago xarumaha baaritaanka.

Wasiirka ayaa ka hadlay in Puntland uu ka socdo tallaalka Covid19, kaasoo loogu talagalay in wajiga koowaad ay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada Booliiska.

Like it? Share it!

Leave A Response